Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gaartay qeyb ka mid odayaasha Hiiraan & Shirkii Jowhar oo la tegayo

Waxaa goor dhow magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan looga dhawaaqay heshiis ku saabsan in odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ay ogolaadeen inay tagaan magaalada Jowhar dibna loo furo shirkii maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Heshiiskan ayaa ka danbeeyay kulan weyn oo maanta dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Qaar ka mida Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo ay wehliyaan odayaal dhaqameed iyo waxgarad kale.

Markii kulankaasi soo gabagaboobay waxaa shir jaraa’id wada qabtay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf  Axmed Hagar iyo Wasiirka arrimaha  gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ku dhawaaqay in inta badan Ugaas-yada Gobolka Hiiraan lagu qanciyey ka qeyb galka shirka maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Wasiir Odowaa ayaa sheegey in dadaal badan kadib la qanciyey duubabka dhaqanka gobolka laguna jiro dadaal kale oo lagu doonayo in  inta harsan lagu qanciy ka qeybgalka dhismaha maamulka labada gobol ee Jowhar dib uga furmi doona.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa u mahad celiyey Duubabka dhaqanka ee ogolaaday inay tagaan shirka Jowhar, wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay tallaabada ay qaadeen duubabkaasi.

Duubabka ogolaaday inay ka qeyb galaan shirka Jowhar ayaa iyaguna sheegay aqbaleen codsiga dowladda, kana codsadeen in shirka jowhar looga danbeeyo duubabka dhaqanka labada gobolka ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, arrintaas oo dowladda Federaalka  iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ogolaadeen.

Dhinaca kale Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa diiday inuu dhinaciisa ka qaato heshiiska, waxaana fashilmay dadaalkii ugu danbeeyay oo odayaal ka socday Gobolka Shabeelaha Dhexe ay ugu tageen xaruntiisa, kuwaasoo uu hogaaminayay Imaam Maxamed Yuusuf. Ugaas Xasan iyo laba Duub oo kale oo taageersan ayaa weli diidan shirka Jowhar.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON