Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay wadahalka u socda dowladda Itoobiya iyo jabhadda ONLF ee ay dhexdhexaadineyso Kenya.
Wasiirka arimaha dibada xukumada fedraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa soo dhaweeyay wadahadalka u socda dowlada itoobiya iyo jabhada ONLF kaas oo ka socda Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Wasiirka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan wadahal kasta oo gobolka dan ugu jirto, iyo maslaxadda Guud ahaan dadka Soomaaliyeed. Wuxuuna intaas ku daray gobolka Geeska Afrika ay dan ugu jirto xasilooni.
Dhinaca kale wuxuu Wasiirka caddeeyay inaysan weli furmi wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Soomaaliland, basle uu filayo in si degdeg ah loo bilaabo.