Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay inay cabasho ku gudbisay dowladda Kenya, taasoo ku saabsan xildhibaanada ka mida Baarlamaanka Federaalka ee isku abaabula magaalada Nairobi.
Cabashada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si aan rasmi ahayn loo gaarsiiyay hogaamiyaha Aqbaliyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale kadib markii uu la xiriiray mas’uul ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Adan Barre uu balanqaaday in dowladda Kenya ka hortegi doonto oo aanay ogolaan doonin shirar lagu mucaaradayo dowladda Soomaaliya inay dalkeeda ka dhacaan.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii magaalada Nairobi dhowaan lagu dhisay madal xildhibaano mucaarad ah ku midoobeen oo la baxday Horeusocod.
Goobjooge.com