Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa laga arkay qeybo badan oo ka mida Gobollada Soomaaliya, iyadoo lagu dhawaaqay in berrito ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in berri ay tahay maalinta 1-aad Bisha barakeysan ee Ramadaan, Madaxda Dowladda ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray Hambalyo ku aadan Bisha Ramadaan.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa shaacisay in meelo badan oo ka tirsan Gobolada dalka lagu arkay, waxaana ka mida dadka arkay Wasiirka Diinta iyo owqaafta Maamulka Galmudug iyo culuma-udiin lagu kalsoon yahay.
Gobollada laga arkay curashada bisha Ramadaan waxaa ka mida: Mudug, Galgaduud Jubbada Hoose iyo Shabeelada Hoose.
RAMADAAN KARIIM DHAMAAN UMADDA SOOMAALIYEED IYO MUSLILIINTA DUNIDA