Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Soomaaliya oo lagu heysto lacag dhan €132 Milyan oo Maraakiib loogu sameeyay [Akhriso Warbixin]

Dukumentiyo la helay ayaa sheegaya  in dowladda federaalka ah ay heshiis la gashay shirkadda AMOSC oo fadhigeedu yahay dalka Qubrus 2013-kii,  heshiiskan oo ku kacayey ilaa €132 milyan oo Euro ayey Soomaalida dalbadeen in ay helaan 6 markab oo kuwa roondada xagga badda ah, laakin markii shaqada inteedii badneyd la qabtay ayey dowladda Soomaaliya  heshiiska ka baxday taas oo keentay in shirkadda ay go’aansato inay dacwad furto.

Heshiikan 6-da markab,  waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 weji oo midkiiba ku kacayo €33m, xiriir badan oo ay dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan looga jawaabin, oo ballantii looga baxay.

Atlantic Marine and Offshore Group (AMO) oo ah shirkad Hollandees ah ee iska leh AMOSC ayaa khamiistii sheegtay in ay dacwad ku furi-doonto dowladda federaalka ah kadib markii ay ku guuldareysatay in ay ka jawaabto qoraal digniin ah oo dhacayey March 28, 2018.

Warqadda digniinta ah oo la soo gaarsiiyay Goobjoog News waxaa ay shirkadda soo dirtay March 13, 2018, shirkadda AMOSC waxaa ay dowladda federaalka ah ka dalbatay lacag dhan  €66 million iyo lagu daray €24.6 million oo dul-saar ah oo muddo lix sano ah, warqadda oo la soo mariyay safiirkeenna midowga Yurub  Dr. Ali Said Faqi waxaa gacanta laga saaray wasiirkii gashaandhigga Maxamed Mursal laakin kama jawaabin, sidaa darted waxaa dacwad laga furi-doonaa maxkamada Holland.

Shirkadda waxaa ay ku doodeysaa in heshiiska uu labo dhinac ahaa, sidaasi darteedna aaney ka bixi Karin dowladda federaalka ah, si qoraalkan jawaab looga helo, xiriirro ay Goobjoog News la sameysay hey’adaha ay khuseyso, nooma suuro-gelin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON