Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay mamuucday koox diimeedka dhowaan soo shaac baxday ee As-saaddicuuna Bilxaq.
Shir jaraa’id oo maanta uu qabtay wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo Diinta Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in kooxdaas laga mamnuucay Soomaaliya, ayna dowladda federaalka go’aankaas gaartay.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda Federaalka ay go’aankan qaadatay kadib markii ay la xiriirtay dlalka kale ee looga dhawaaqay kooxdan, ayna tixgelisy go’aanka culimada Soomaaliyeed ka qaateen ururkan.
Waxyaabaha kooxdan laga mamnuucay waxaa ka mida inay tahay koox sharci darro ah oo aan soo saari karin Qoraallo, Bayaanno Maqal iyo Muuqaal leh oo aanay qaban karin shirar iyo Muxaadarooyin, isla markaana tallaabo laga qaadi doono ciddii ka tirsan.
Hore ayaa culimada Muqdisho ay kooxdan ugu tilmaameen inay tahay takfiir, waxaana sidoo kale tallaabooyin ka qaaday maamullada Somaliland iyo Puntland.
AKHRISO QORAALKA
Goobjooge.com