Sunday, July 13, 2025

Dowladda Soomaaliya oo meesha ka saartay Baaritaan lagu sameeyo Meydka Marxuum Cali Khaliif

Guddiga Dowladda Soomaaliya u xil saartay Aaska Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inaan wax baaritaan ah lagu sameyneynin Meydkiisa.

Meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa ku geeriooday magaalada Jigjiga 8-dii Oktoobar 2020, waxaana geeridiis ka dhashay su’aalo badan, iyadoo qoyskiisa ay dalbadeen in Baaritaan lagu sameeyo, kadib markii maamulka Soomaalida Itoobiya ay shaaciyeen inuu u geeriyooday Cudurka Covid-19.

Sii-haya Wasiirka Kalluumeysiga Xuxukuumada Somaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka mida Guddiga Aaska ayaa sheegay in marka la keeno la aasayo oo aan wax baaritaan ah lagu sameyn doonin meydka Cali Khaliif.

Waxaa Meydka la socda madax ka mida maamulka Soomaalida Itoobiya, ehelada iyo odayaasha marxuumka, waxaana maanta Aas Qaran loogu sameynayaa magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON