Dowladda Soomaaliya ayaa qeylo dhaan kasoo saartay biyo la’aan ka taagan gobollada dalka qaarkod, iyadoo webiga Shabeelle uu guray meelo badan.
Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalim Caliyow Ibroow ayaa baaq u diray Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya in ay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay Biyo la’aanta ee ka jira Dalka.
Wasiirka ayaa shaaciyey in deegaano ka tirsan Dalka ay ka jirto Biyo la,aan saamayn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka in ay lagama maarmaan tahay in Hey’adaha samafalku gacan weyn ka geystaan Caawinta iyo samata bixinta bulshada ku nool deeganada ay ka jirto Biyo la’aanta ee deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya..
Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili uu guray Webigga Shabeele ee mara Gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan, iyadoo wasiirku baaqiisa kusoo koobay hay’adaha samafalka.