Monday, July 14, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Qiratay in ciidamadeeda Wanlaweyn ku dileen Macalin Jeelle [Akhri sababta loo dilay]

Dowladda Soomaaliya ayaa qiratay in ciidamadeeda ay degmada Wanlaweyn ku dileen oday caan ahaa oo ay ku sheegtay inay ka mid ahaa maalgeliysyaasha Alshabaab.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya oo la shaqeeya Mareykanka ayaa xalay gurigiisa degmada Wanlaweyn ku weeraray, kuna dilay Maxamed Cabdi Jeelle (Macalin Jeelle), iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ninkaasi la dooanayey in la qabto basle uu iska caabin uu sameeyay ku dhintay .

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa qoraal Englisha ah soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay indilka ninkan inay ka dambeeyeen ciidamada dowladda, markii uu ka horyimid howlgal lagu soo qaban lahaa.

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow)  ayaa ku dooday in Macalin Jeelle uu maalgeliye Alshabaab. “Waxaa la doonayay in marka hore la soo qabto, wuxuuna ciidamada u muujiyay caddowtinimo, kadibna Ciidamada oo is difaacaya, gudanayana waajibaadkooda ayaa toogtay ninkaasi.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Eheladd odaygan ayaa warbaahinta u sheegay inuu ahaa oday nabadoon ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON