Thursday, July 10, 2025

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Gaas halis ku ah caafimaadka laga isticmaalo Dalka

Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in Gaas halis ah laga isticmaalayay dalka Soomaaliya muddo 7 sanadood ah.

Shir ay ka qeyb galeen wakiilo ka socday 7 Wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta laga sheegay in Gaaskan adduunku u asteeyay in laga mamnuuco sanadka 2020.

Agaasimaha dhinaca Bii’ada ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha C/risaaq Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay soo ogaadeen Gaaskan in si weyn looga adeegsado dalka, iyagoo tegay garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xarumaha ganacsiga.

Shirka looga hadlay dhibaatada Gaaskan u leeyahay cimilada iyo caafimaadka dadka ee maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ujeedkiisu ahaa wacyi gelin iyo dadaal ay dunidu ugu jirto in Gaaskaas isticmaalkiisa la joojiyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON