Thursday, June 26, 2025

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay hoggaamiye sare oo laga dilay Alshabaab [Akhriso magaciisa]

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in la dilay hogaamiyihii kooxda Alshabaab ee Gobolka Shabeelada Hoose.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay 5-tii bishan ay gobolka Shabellaha Hoose ku dileen Macallin Cismaan Cabdi Baadil iyo Saddex kale oo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab howlgal ka dhacay Gobolka SH/hoose.

“5tii May 2017 ayey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay dileen Hoggaamiyahii Al-Shabaab Macallin Cismaan Cabdi Badil iyo seddex maleeshiyaadka kooxdaas ah. Dhimashada hoggaamiyaha waxey wiiqeysaa awooda kooxda argagaxisada ah ee ka howlgasha Shabeelaha Hoose, taboo ah guul weyn oo u soo hoyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Howlgalkan oo ay ka qeyb qaateen ciidamada Mareykanka oo dhinacooda askari looga dilay ayaan jirin cid ka hadashay weli dhinaca Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON