Thursday, May 2, 2024

XOG: Muxuu Madaxweynihii hore Xasan Sheekh u diiday saxiixa magacaabidda Hanti-dhowraha Nuur Faarax..?

Kadib muranka ka dhashay hanti-dhowraha Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in magacaabida hanti dhowrka aanu ansixin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa keentay su’aalo la iska weydiinayo sharcinimada hanti-dhowrka oo inkastoo uu maray hannaankii Golaha wasiirada iyo Baarlamaanka haddana uusan helin ansixintii ugu danbeysay ee madaxweynihii xilligaasi Xasan Sheekh.

Goobjooge.com ayaa ogaatay in Xasan Sheekh oo dhowr bilood diidanaa inuu saxiixo magacaabidda hanti dhowrka oo ay ka dhimaneyd inuu saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga. Arrintaas ayaa la sheegay inay ka dhalatay khilaaf markaas ka dhex taagnaa madaxweynihii hore iyo hanti dhowrka balse markii dambe uu saxiixay.

Ad

Nuur Faarax ayaa lagu bartay hanti dhowre muran badan dhaliyay oo xilkiisa u adeegsada inuu ku ciriiri geliyo madaxda, waxayna marar badan isku dhaceen madax dhowr ah oo markii danbe uu si hoose ula heshiiyay, waxaana xilligan uu wajahayaa xil ka qaadis uu diiday.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON