Saturday, July 5, 2025

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Duqeyn lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsan Alshabaab

Warar aya faafiyeen warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidamada Mareykanka lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Kumaandoos oo ka mid ahaa taliyeyaasha sare ee Maleeshiyada Alshabaab, waxaana uu ku dhintay duqeyn ka dhacay maanta oo Tallaado ah magaalada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Sarkaalkan ayaa ore uga mid ahaa ururkii Xisbul Islaam ee la midoobay Alshabaab, kadibna wuxuu xilal kala duwan ka qabtay Alshabaab, waxayna duqeynta lagu dilay ka dhacay guri la sheegay inuu leeyahay oo ku yaalla degmada Saakow.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaan weli war kasoo saarin duqeynta, iyadoo muddooyinkii ugu danbeysay ay dowladda Soomaaliya kala hor mareysay war-saxaafadeedyada howlgallada duqeyntu ka mid tahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON