Monday, July 14, 2025

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Madaxdii Alshabaab ee Gobollada Gedo & Bay ay isu dhiibeen dowladda

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in hoggaamiyeyashii Alshabaab ee Gobollada Bay iyo Gedo ay isu dhiibeen dowladda.

Horjoogihii Kooxda Alshabaab ee Gobolka Bay ninka lagu magacaabo Macalin Geedoow Aadan Abuukar ayaa laga soo xigtay inay Alshabaab ka goosteen isaga iyo hoggamiyihii Alshabaab ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Fiilow, isagoo sheegay inay isku fahmi waayeen Alshabaab joojinta dhibka ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Horjooge Geedoow ayaa sheegay inay aqbaleen baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa inay Alshabaab isaga soo baxaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ka barbar dagaalama kooxdaasi, islamarkaana  ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Uga dambeyn waxaa uu sheegay inay heystaan isaga iyo Horjoogihii Alshabaab ee Gobolka Gedo Fiiloow ciidan xooggan oo Alshabaab ay isaga difaacaan, isagoo intaa ku daray in Alshabaab ay yihiin Khawaarij dhiiga dadka banaysatay, muda 8 bil ahna uu taagnaa khilaafka kala dhaxeeya Argagixisada Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON