Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay la sii deyn doono maxaabiistii ay Itoobiya ku soo wareejisay dowladda Soomaaliya.
Sida uu shaaciyay Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in maxaabiistii Itoobiya laga keenay intooda badan la sii deyn doono, iyadoo la fasixi doono ayna xoriyadooda dib u helaan.
Sii deynta maxaabiistan oo gaareysa 114 qof ayaa ooda laga qaadi doonaa, iyagoo ku xirnaa goob gaara, waxaana la sheegay in dowladda ay la hareyso dhowr xubnood oo kiisas waaweyn lagu hayo, kuwaasoo aan la shaacin tiradooda.
Dowladda Itoobiya ayaa Soomaaliya ku soo wareejisay 114 qof oo ku xirnaa xabsiyada dalka Itoobya, kuwaasoo loo heystay dembiyo socdaal iyo arrimo kale oo fudud.
Goobjooge