Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddoomiyihii kooxda Alshabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir lagu dilay duqeyn uu ogolaaday madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow ayaa qoraal uu goor dhoweyd soo saaray ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay rumeysan tahay in madixii Alshabaab ee Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Xuseen (Cali Jabal) lagu dilay duqeyn ka dhacday degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelada Hoose.
HOOS KA AKHRI QORAALKA WASIIRKA
Waxaa la rumeysanyahay in Madaxii Argagaxisada ee Muqdisho Cali Jabal lagu diley howlgal qorsheysan
Muqdisho, 31 July 2017 – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay agagaarka Tooro-Toorow oo la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal).
Cali Jabal ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha argagaxisada Al-Shabaab oo mus’uulka ka ahaa qorsheynta dilalka iyo qaraxyada oo dad badan oo aan waxba galabsan ay ku geeriyoodeen Muqdisho.
Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an badbaadada shacabka Soomaaliyeed oo Guusha Howlgalkan qorsheysan waa mid yareynaya awooda ay argagaxisada Al-Shabaab ku dili lahaayeen dad aan waxba galabsan ee Soomaaliya, wadamada deriska ah ee Bariga Afrika iyo Caalmka guud ahaan.
DHAMAAD