Friday, June 27, 2025

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay xafiiska cusub ee taageerada Q/Midoobay ee Soomaaliya

Dawlada Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xafiiska cusub taageerada  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo boogaadisay doorka Qaramada Midoobay  ee ku aadan dib u dhiska  iyo  horumarinta Soomaaliya.

Golaha ammaanka ee Qarmada Midoobay ayaa soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 2245, kaasoo ku saabsan in xafiiskii taageerada Qaramada Midoobay ee AMISOM (UNSOA), loo badalay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, United Nations Support Office for Somalia (UNSOS).

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Xukuumadda ay soo dhaweyneyso qaraarka lagu badalay xafiiskii hore ee lagu soo badalay xafiiska cusub, kaasi oo u shegay in uu sii xoojin doono xiriirka hay’adaha dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay.

“Dowladda Soomaaliya way soo dhaweyneysaa kor u qaadista xafiiska cusub ee ku aadna taageeridda Soomaaliya, aad ayaan u soo dhaweyneynaa qaraarka ka soo baxay Golaha ammaanka 2245, xafiiska oo markii hore la shaqeyn jiray AMISOM, balse haatan uu la shaqeynayo hay’adaha dowladda” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa sheegay in xafiiska uu wax weyn ku soo kordhin doono xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay.
“Hay’adaha dowladda iyo kuwa Qaramada waxa ay yeelanayaan xiriir toos ah oo dhanka wada shaqeynta ah, gaar ahaan hay’adaha amniga ee dowladda u qaabilsan iyo kuwa Qaramada Midoobay, taasi oo qeyb weyn ka qaadaneyso xoojinta iyo sare u qaadida taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON