Thursday, June 26, 2025

Dowladda Soomaaliya oo soo kicisay Odayaasha dhaqanka ee taageersan [Dhageyso]

Dowladda Soomaaliya ayaa soo kicisay qaar odayaasha dhaqanka ee taageersan si ay uga difaacaan ololaha weyn iyo kacdoonka shacabka ee ka dhashay sarkaalkii ONLF oo ay u gacan gelisay dowladda Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax.

Kulan ay Muqdisho maanta ku yeesheen qaar ka mida odayaasha Dhaqanka ee gacansaarka la leh Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu baaqay in la joojiyo mucaaradnimada lagu haayo Dowladda Soomaaliya.

Odayaasha waxay ku doodeen inay dowladda wax badan qabatay. Waxayna ku eedeeyeen in siyaasiyiin xildoon ah ay ka faa’iideysanayaan mucaaradnimada dowladda Soomaaliya.

Nabadoonnada Axmed Diiriye iyo Maxamed Xasan Xaad ayaa goobta ka hadlay, waxayna dadka ugu baaqeen inay ka war sugaan jawaabta dowladda ee arrinta ku saabsan muwaadinka la sheegay in loo dhiibay Dowladda Itoobiya.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON