Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda SoomaaliyaMahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda duulay dalka Ingiriiska.
Wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa la sheegay inay kulamo looga hadlayo adkaynta xiriirka labada dawladood la yeelan doonaan madax ka tirsan UK iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas oo uu kala hadlayo taageerada dowlada Federaalka iyo xuska sanadguurada labaad ee doorashii Farmaajo .
Wafdigan ayaa noqonaya kii labaad oo laba maalmood gudahood u dhoofa dalka Ingiriiska, iyadoo magaalada London uu maanta ka furmayo shirka shidaalka Soomaaliya oo muran weyn ka dhashay, waxaana hore loo shaaciyay xaflado lagu soo dhoweynayo wafdiga ka socda dowladda Federaalka oo ka dhici doona UK.
Dowladda Soomaaliya ayaa olole u gashay baajinta bannaanbax ay abaabuleen dadka Soomaaliyeed ee London, waxaana wafdigan uu taageero u raadinayaa dowladda Soomaaliya.