Friday, June 27, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Wasiir hore u dooneysa inuu qabto Xilka Xoghayaha Guud ee IGAD

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii Wasiir hore oo Soomaaliyeed u qaban lahaa xilka sare ee Urur Goboleedka IGAD. 

Dowladda Soomaaliya ayaa codsi rasmi ah u gudbisay IGAD, iyadoo olole ugu jirta in Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar uu noqdo xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD.

Xilkan ayaa wuxuu markii labaad ka dhammaanayaa Maxbuub Macalin oo ka soo jeeda dalka Kenya, kaasoo laba jeer soo noqday xoghayaha Ururka IGAD, waxaana suuragal ahayn inuu mar saddexaad sii hayo.

Soomaaliya oo ka mida Aasaasayaasha  Ururka IGAD, ayaan xil sare ka qaban tan iyo markii la asaasaay sanadkii 1996dii. Waxaana haddii ay suuragasho uu noqon doonnaa C/Salaan Hadliye markii ugu horeysay ee Soomaalida ee Soomaaliya xil sare ka qabtaan Urur Goboleedka IGAD.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON