Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixday heshiis heer caalami ah oo ku saabsan Cahdiga Qarammada Midoobay ee dhowrista Xuquuqda Dadka Naafada ah.
Qaraarkan ayey Soomaaliya noqotay dalkii ugu danbeeyay ee maana saxiixay, kadib markii Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin ay Magaalada New York ee dalka Mareykanka maanta ku saxiixday ka mid noqoshada Soomaaliya ee Qaraarka Qarammada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.
Soomaaliya ayaa noqotaya dalkii 178-aad ee saxiixay Qaraarka Qaramada Midoobay ee Xaquuqda Dadka Naafada ah, iyadoo uu dhowaan Golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ansixiyey inay Soomaaliya ku biirto cahdigan.