Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay dib u habeyn ugu sameynayso Jaamacaddaha tirada badan ee ka jira dalka, gaar ahaan magaalad Muqdisho.
Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in qaar ka mid jaamacadaha ee loo arko in tayo ahaan, aysan buuxin karin heerkii laga rabay meesha laga saaro oo albaabada loo xiri doono.
Wasaarada waxbarashada federaalka ayaa wada kobcinta tayada waxbarasho iyo dib u habynta manaahijyada dalka, iyadoo la shaqeynaysa wasaaradaha maamul goboleedyada dalka ka jira.
Wasiirul Dowlaha Wasaarada Waxbarashada Somalia Cabduraxaaman Maxamuud Cabdulle, (Jaabir) wareysi siiyay VOA.