Sunday, July 13, 2025

Dowladda Talyaaniga oo ku yaboohday dib u dhiska Maxkamadda Sare ee Soomaaliya [Sawirro]

Dowladda Talyaaniga ayaa ballanqaaday inay dib u dhis ku samaynayso xarunta Maxkamadda sare ee Dalka, kadib kulan  dhex maray  Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Baashi Yuusuf Axmed iyo Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Carlo Campanile ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo la xariirra xoojinta garsoorka Dalka, waxanay kormeereen qaybaha Maxkamadda ay ka kooban tahay.

Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ka mida: dhismamaha iyo dib u dayactirka xarunta Maxkamadda Sare, taasoo dowlada Talyaaniga ballanqaadday in si dhaqsi ah loo bilaabi doonto, islamarkaana ay diyaar diyiin qaraashaadkii ku bixi lahaa.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen Labada dhinac dib usoo celinta xariirki garsoorka Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo in howlwadeennada Maxkamadda ay helaan tababarro  ku saabsan aqoor kororsi xagga garsoorka ah.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON