Dowladda Turkiga ayaa ciidamo iyo tababarayaal u soo direysa Soomaaliya, kuwaasoo ka howlgeli doona saldhigga milateri ee Turkigu ka sameeyay magaalada Muqdisho.
Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar ayaa laga soo xigtay in saldhiga Turkiga lka furi doono bisha August ee 2017, iyadoo laga bilaabi doono tababarrada la siinayo ciidamadda Soomaaliya.
“300 boqol oo askari ayaa imaanaya bisha August oo isugu jira 100 tababare iyo 200 askari oo ilaalin doono saldhiga milateri ee Muqdisho” ayuu yiri safiir Olgan Bekar oo wareysi siiyay jariirada Daily Sabah ee dalka Turkiga.
Saldhigga Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho ayaa hore loo qorsheeyay in la furo bishii Janaayo 2017, kaasoo dib u dhacay, waxaana hadda la sheegay in Bisha August ay furitaankiisa ka qeyb geli doonaan madaxda sare oo Turki ah.
Turkiga ayaa ka mida dalalka saameynta ku leh Soomaaliya oo taageero badan siiya dowladda Soomaaliya, waxaana tartan kula jida Imaaraadka iyo dalal kale.
Goobjooge.com