Thursday, June 26, 2025

Dowladda Turkiga oo Malaayiin doolar ugu deeqday Doorashada Soomaaliya 2016

Dowladda Turkiga oo ka mida dalalka dhaqaale ahaan taageera Soomaaliya ayaa dhinaca dhaqaalaha ka taageereysa Doorashada Soomaaliya 2016.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar ayaa laga soo xigtay in Turkiga dhaqaale gaaraya 4 Milyan oo Dollar ku taageeri doono doorashada Soomaaliya ka dhaceysa 2016-ka.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay dhaqaale la’aan, iyadoo balanqaadkii beesha caalamka ee Doorashada ay dib u dhacday. Safiirka Turkiga ayaa arrimaha doorashada kala hadlay madaxda Soomaalida iyo Guddiga Doorashad, isagoo dalbaday in Doorashada ay noqoto mid ka lahayn cadaadis iyo faragelin.

Dib u dhac soo noqnoqday ayaa hareeyay nidaamka Doorashada Soomaaliya oo dhaqaale darrada heysata ka sokow cabsi laga qabo in lagu shubto oo la iibsado codadka, sida ay ka digeen wakiilada Beesha Caalamka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON