Militariga dowladda Uganda ayaa shaaciyey inay diyaarado dagaal geynayaanSoomaaliya si loo taagereo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Afhayeenka Millateriga Uganda Richard Karemire ayaa laga soo xigtay in diyaaradaha dagaalka lagu xoojin doono ciidamada AMISOM. “Diyaaradda Difaaca Dadka Ugandha (UPDF) waxay Soomaaliya u dirayaan xoog dhinaca cirka ah. Ciidamada Cirka waxay ciidamada AMISOM ee dhulka ka howlgala siin doonaan awoodda ay u baahan yihiin, waxayna xoojin doonaan sirdoonka, xog ururinta iyo xoojinta awoodda ” ayuu yiri Afhayeenka militariga Richard Karemire.
Afhayeenka ayaan sheegin tirada Diyaaradaha dagaalka Uganda ee loo dirayo Soomaaliya, wuxuuse isku soo sawiray diyaarad helikobtar ah oo farriintan uu ku faadiyey.

Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari oo ku howlgalla Magaca AMISOM, waxaana u burburay diyaarado Helikobar ah oo Somali kusoo socday, kuwaasoo lagu waayey gudaha dalka Kenya.