Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisa ay bixisay Qaaraankii deynta ahaa ee lagu lahaa dowladda Soomaaliya.
Isagoo xalay ka qeyb galayay Munaasabad ka dhacday Dowladda Hoose ee Muqdisho ayuusheegay in Lacagihii qaaraanka ee lagu lahaa Soomaaliya qaar laga cafiyay, intii kalena ay bixiyeen.
Inta badan Warbaahinta Soomaalida ayaa baahiyay in lacagihii deynta ahaa ee dibadda looga halayaa dowladda Soomaaliya la bixiyay, taasoo ah khalad weyn, inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh ay olole doorasho ka ahayd, hoos ka akhriso faahfaahinta:
DEYNTA SOOMAALIYA LAGU LEEYAHAY: Deynta Soomaaliya dibadda looga leeyahay waxay gaareysaa lacag ka badan 5 Bilyan oo doolar (5.4) bilyan doolar, mana aha wax ay Soomaaliya bixin karto, iyadoo ay jiraan lacago dulsaar ah oo fara badan.
QAARAANKA LAGU LEEYAHAY SOOMAALIYA: Qaaraan waa lacagaha ay bixiyaan dowladaha xubnaha ka ah urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga ah (Sida Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iwm.) waana khidmo sanadeed kooban oo laga qaado xubin dowladeed kasta oo ururadaasi ka mida. Qaaraanku ma aha lacag badan, waxaana Soomaaliya laga cafiyay lacago badan oo noocan ah, waxaana aad u yar ururada goboleed iyo kuwa caalamiga ah ee Soomaaliya Qaaraankii looga lahaa ay bixisay.
Waxay dad badan is-weydiinayaan macnaha ay soo kordhin karto in Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dhigo horumar ay dowladiisa keentay bixinta Qaaraankan iyadoo ay ku fashilantay inay bixiso mushaarkii shaqaalaha iyo ciidamada ee dowladda.
DHAGEYSO
Goobjooge.com