Dowladda Indonesia ayaa noqotay dowladii ugu horeysay ee go’aan ka qaadatay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan bilaabaneyso sanadkan.
Indonesia oo ah dalka ugu muslimiinta badan ee islaam ah ayaa shaaciyey in maalinta Berri ay tahay 30-ka bisha Shacbaan oo la dhameystirayo Shacbaan, Khamiista 17-ka Bisha May ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ramadaanka.
Dalka Indonesia oo ku yaalla Koonfur Bari ee Qaarada Aasiya ayaa ka horeeya 4 saacadood waqtiga Soomaaliya ee Geeska Afrika, waxayna go’aanka gaara dowladda dalkaasi, iyadoo ay jiraan kooxo diini ah oo sii sheega xilliga Ramadaanka sida ururka Muhamadiyah oo ah kan labaad oo ugu weyn dalkaasi.
Dalalka Khaliijka ayaa xilligan raadin ugu jira bisha waxaana lagu wadaa inay go’aan ka gaaraan saacadaha soo socda inay Ramadaan tahay iyo in kale, iyadoo inta badan dunida islaamka ay raacdo Boqortooyada Sacuudiga.