Siyaasiga Dr. C/raxmaan Macalin Baadiyow ayaa si weyn u difaacay go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay khilafka ka taagan dalalka Khaliijka.
Qoraal uu soo dhigay Facebook ayuu ku garab istaagay mowiqfkii dhexdhexaadka ahaa ee dowladda Soomaaliya ka qaadatay xiisada ka dhex taagan dalalka Khaliijka iyo dowladda Qatar.
Wuxuu si weyn u weeraray maamul goboleedyada oo uu sheegay inaysan ahayn in la masruufo, kadibna ay jebiyaan dasrtuurka, ayna joojiyaan ka daba-hadalka go’naada sharafta iyo karaamada leh ee ay qaadatay dowladda.
HOOS KA AKHRI QORALKA DR. BAADIYOW
“Federaalnimadu ma aha ha la imasruufo, dastuurkana ha la ii jebiyo. Dawlad goboleedyadu ha qabsadaan hawshooda, farahana ha kala baxaan hawsha dawladda dhexe. Madaxda dawlad goboleedyada waxaan ugu baaqayaa iney joojiyaan ka daba hadalka go’aanka sharafta iyo karaamada ku saleysan ee waafaqsan diintayna Islaamka. Ogaada in khasaaro siyaasadeed iyo sharaf darro idinka soo gaareyso arinkaan haddi aad sii wadaan.
Xiriirkii walaalnimo ee nagala dhexeeyay dhamaan dawladaha Carabta ee is khilaafsan waa in la xoojiyaa, lkn isoo raac haddii kale….. Somaliya waa diiday. Shacbiga Somaaliyeed taageero buuxa ayuu ku siiyay dawladda go’aanka dhedhexaadnimada iyo heshiisiinta walaaha khaliijka. Ruxii ka horyimaada go’aankaan wuxuu ka horyimiday madax banaanida iyo qaranimadda Somaliya.
Goobjooge