Monday, June 23, 2025

Dr. Muungaab oo la kulmay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Turkiga

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Soomaaliya Dr. Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta magaalada Ankara kulan kula yeeshay Guddoomiye ku-xigeenka ahna Xoghayaha Arimaha Dibadda Xisbiga talada haya ee Caddaaladda iyo Horumarka Dalka Turkiga Mudane Cevdet Yilmaz.

Kulanka ayay labada dhinac uga wadahadleen xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, wuxuuna guddoomiye Muungaab uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada dhinac kasta leh ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa warbixin ka siiyay guddoomiye ku xigeenka Xisbiga AK PARTI xaaladda guud ee Soomaaliya, iyo in xilligaan laga guurayo hannaankii siyaasadeed ee ku salaysnaa qabiilka, una jihaysatay xagga nidaamka Xisbiyada badan iyo dimoqraadiyadda, wuxuuna Dr. Muungaab caddeeyay sida loogu baahan yahay inay Soomaaliya uga faaiidaysato khibradda Turkiga ee dhinaca Xisbiyada iyo ku dhaqanka Dimoqraadiyadda.

Ad

Guddoomiye Ku-xigeenka Cevdet Yilmaz ayaa balanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada ay Turkiga u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena, wuxuu u rajeeyay in Doorashada soo socota ee Soomaaliya ay ku dhacdo qaab nabad ah oo hufan.

Kulankan ayaa ka dhacay Xarunta Dhexe ee Xisbiga AK PARTI magaalada Ankara, wuxuuna kusoo dhamaaday Jawi wanaagsan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON