Tuesday, June 24, 2025

Duqa cusub ee magaalada Garowe oo la doortay

Xasan Maxamed Ciise (Goodir) ayaa ku guulaystay Doorashada duqa magaalada Garowe oo  goor dhoweyd lagu soo gabagabeeyay xarunta PDRC ee Garowe.

Goodir

Laba wareeg oo la isku mari waayay kadib waxaa wareegii sedexaad  isugu soo haray

Xasan Maxamed Ciise (Goodir) iyo

Cawil Sheekh Xaamid

Xasan Goodir ayaa helay codad dhan 15, halka uu  Cawil Sheekh Xaamid iska helay 12 cod.

Wasiirka Arimaha gudaha Puntland oo ahaa Gudoomiyaha guddiga doorashada Axmed Cilmi Karaash ayaa ku dhawaaqay codadka ay kala heleen musharixiinta wuxuuna  duqa Garowe uu ku guuleystay  Xasan Goodir oo shanta sano oo soo socota hogaamin doona  Degmada Garowe.

Xasan Goodir  ayaa ah nin ganacsade ahaa oo ka qeyb qaatay dhismaha wadooyinka Garowe , wuxuuna la soo shaqeeyay maamuladii kala duwanaa ee Puntland.

Goobjoogecom

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON