Sunday, July 13, 2025

Galmudug oo Warar is khilaafsan kasoo saartay Weerar ka dhacay Bariga Gobolka Mudug

Galmudug ayaa shaacisay in weerarkii ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo ay geysteen diyaarado Mareykan ah iyo ciidamada Puntland.

Gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo Xersi Yuusuf Barre ayaa sheegay in diyaarado  Mareykan ah ay duqeeyeen laba baabuur oo waday gaari biyo, laguna laayay dadkii saarnaa baabuurtaasi.

duqa-galkacyo

Wuxuu intaas ku daray inuu ku sugan yahay degaanka Jeexdin dad shacab ah oo kasoo jeeda degaanada Galmudug lagu soo laayayoo qasaare ba’an loo geystay.

Duqeynta iyo weerarka ka dhacay degaanka Jeexdin ayuu xaqiijiyay Guddoomiyaha Gaalkacyo ee Galmudug inay gaartay Geerida 10 qof.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka jawaabi doonaan duqeynta loo geystay dadka xoolo dhaqatada ah ee kasoo jeeda Galmudug, inkastoo aanu faahfaahin waxa jawaabtaasi noqon doonto.

Dhinaca kale  kuxigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug C/raxmaan Maxamed Axmed ayaa isna  sheegay in Diyaarado Dagaal oo ay u maleynayaan in Mareykanka uu leeyahay ay Duqeyeen Saldhig Ciidamada Galmudug ay ku leeyihiin Bariga Gobolka Mudug gaar ahaan Aagga Godod.

Duqeynta ayaa waxaa ku dhintay 10 Askari oo Galmudug ah,waxaana ku dhaawacmay Dhowr iyo Toban kale sida uu Kuxigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo uu noo sheegay.

Sidoo kale Duqeynta waxaa lagu Gubay Gaari Nuuca Dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidamada Galmudug ee Duqeynta lagu qaaday.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON