Duqa cusub ee magaalada London Sadiq Khan oo ah Muslim kasoo jeeda dalka Pakistan ayaa markii ugu horeysay Soonka bisha ramadaan ugu soo galay isagoo ah duqa magaalada London.
Maqaal uu dhowaan ku qoray Wargeyska Guardian ayuu faahfaahin ka bixiyay noloshiisa Bisha Ramadaan isagoo ah duqa London haddana sooman iyo sida ay isku waafaqi karaan xilka uu hayo iyo islaamninadiisa, wuxuuna qoraalkiisa ku sheegay inay is diideynin inaad tahay muslim iyo Liberaali aamisan dimoqraadiyadda.
Duqa London Sadiq Khan wuxuu sheegay in Soonka saacadaha badan ee London uu qabanayo laakiin waxa ugu weyn ee uu tebo, isla markaana aad ugu baaho uu yahay Kafeega.
“Cid kasta oo i taqaan waxay garan kartaa in Ramadaan aan ahay noqdo qof basaasan, dadka qaarkii waxayba i dhahaan sanadkoo dhan ayaad sidaas tahay, laakiin saacadaha dheer ee la sooman yahay waa i qabtaa soonka, wuxuuna saameyn ku yeeshaa dabeecadeyda, waxa ugu weyn ee aan tebo waa Kafeega, maxaa yeelay waxaan tagaa shirar fara badan oo lagu daalo, waxaan u baahanahay Kafee si aan shaqada u sii wado, sanadkan waxaan isku dayay inaan Kafeega mar horeba iska yareeyo si aan ramadaanka ugu diyaar garoobo, raashinku wax dhib ah iguma hayo”. DUQA MAGAALADA LONDON
Waxaa logyahay in saacadaha soonka dalalka Yurub ay xilliyadan yihiin kuwo maalintu aad uga badan tahay habeenkii waxaana ay gaartaa in la soomo 19 saacadood.
Goobjooge.com