Monday, June 23, 2025

Duqa magaalada Boosaaso si la yaab leh loo doortay & Banaanbax ka socda Magaalada

Doorashadii la filayay inay maanta ka dhacdo Magaalada bosaaso oo lagu soo dooran lahaa duqa magaaladaasi ayaa ku dhammaaday in hal musharax  oo ah Yaasiin Cumar Maxamuud ay ku soo koobanto kaasoo noqday Duqa Cusub ee degmada Boosaaso kadib markii qofkii la tartamayay uu ka baxay tartanka isagoo ku dhawaaqay inaysan doorashadu ahayn mid xalaal ah.

Duqa-bosado
Yaasiin Cumar Maxamuud, waxaa keligii oo musharax ahaa uu qaatay codkii

Musharax Cumar Sadiiq oo ahaa ninkii la tartamayay duqa maanta la sheegay in la doortat ayaa shalay shaaciyay inuuka baxay tartanka oo uu ku eedeeyay inay xaqdarro ka jirto, wuxuuna maanta ka maqnaa doorashada sidaasina waxaa xilka ku qaaday Injineer Yaasiin Cumar.

Yaasiin Cumar Maxamuud ayaa saaka xilkaasi la shaaciyay inuu ku guuleystay  waxaana  28 mudane ee golaha degaanka magaalada Boosaaso ay cod aan loo kala harin gacantaag ku siiyeen musharaxa kaliya ee hor yimid, taasoo magaalada ka abuurtay xiisad keentay in dadweyne ka  careysan sida wax u dhaceen ay bannaanbax bilaabaan.

Ad

Ku xigeenka Duqa magaalada Boosaaso ayaa isna loo xulay Siciid Garown oo hore xilkaas u hayay mna jirin cid la tartantay ee waxay ahayd gacantaag keligii uu helay.

Beelaha degna Bariga magaalada Boosaaso ayaa si weyn u qaadacay doorashada iyo qaabka ay u dhacday waxayna ku baaqeen in golaha degaanka la kala diro,  laalo doorashada xaqdarrada ah ee dhacday sida ay ku doodayaan.

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-7″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON