Sunday, June 22, 2025

Duqa Muqdisho oo Guddoomiyeyaal cusub u magacaabay Qaar ka mida Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mida Guddoomiyeyaasha degmooyinka magaaladda, isagoo magacaabay madax cusub.

Guddoomiyeyaasha xilalka laga qaaday waxaa ka mida guddoomiyihii Dharkeynley, iyadoo loo magacaabay guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Guhaad Sheekh Xasan. Xogahyihii Degmada Dharkeynley Maxamuud Suudi ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Xamarjajab. Waxaa kaloo Guddoomiyaha cusub lo magacaabay ee degmada Shibis kaasoo ah Cali Axmed Cabdulle, kadib markii guddoomiyihii hore xilka looga qaaday arrimo la xiriira musuqmaasuq.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Shibis ayaa ah weriye ka howlgeli jiray warbaahinta Muqdisho, isagoo ka mid noqonaya saxafiyiin xilal guddoomiyeyaal degmo looga dhigay qaar ka mida Degmooyinka gobolka Banaadir.

Ad

Guddoomiyeyaasha uu xilalka ka qaaday ama uu magacaabay Duqa Muqdisho sanadkiisii joowaad ayaa gaaraya 8 guddoomiye degmo, waxaana maamulka Gobolka Banaadir caado ka noqotay in sanad ka yar lagu kala bedelo guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON