Wednesday, June 25, 2025

Duqa Muqdisho oo shaaciyey in 500 Qof ay Muqdisho ku dhinteen muddo 10 Maalmood ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed ayaa shaaciyay in dad ku dhow 50 qof ay ku geeriyoodeen Muqdisho muddo 10 maalmood ah, taasoo uu sababay cudurka Coronavirus.

Isagoo ka hadlayey kulan ku saabsan xoojinta wacyigalinta ka hortaga cudurka Coronovirus ayuu sheegay in Gobolka Banaadir loo xil saaray tirakoobka dadka Muqdisho ku dhinta, ayna howshaasi bilaabeen 19-kii April,

“Laga soo bilaabo 19-kii April iyo 1-da May waxaa la diiwaan geliyay inay Muqdisho ku dhinteen dad ku dhow 500 qof.. maalinta ugu yar waxay ahayd 22, waxaana ugu badnaa 49…” ayuu yiri Duqa Muqdisho

Dhowaan ayaa Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya wuxuu sheegay in haddi ay Muqdisho ku dhimato maalintii wax ka badan 70 qof la oran karo dhibaato koror ah ayaa jirta, taasoo si weyn loogu naqdiyey.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna waxaa kasoo yeeray in dowladda Soomaaliya ay xilligaan u aqoonsaneyso qof kasta oo dhinta inay u dhimatay Cudurka Coronavirus.

Dowladda Somalia ayaa u muuqata inay ku mashquulsan tahay tirakoobka Geerida dadka caasimadda, halkii ay ku mashquuli lahayd badbaadintooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON