Monday, June 23, 2025

Duqeymo Mareykanku ku dilay xubno ka tirsan Alshabab & Suldankii beesha Jareer ee Jubbooyinka oo ku dhintay

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa shaacisay in laba duqeyn oo laga fuliyey Koonnfurta Soomaaliya lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsan Alshabaab.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta hore ay dhacday 9-kii bishan, ayna ahayd is-difaac looga hortegayey weerar ah ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ku soo qaadeen Alshabaab.

Weerarka duqeynta ee hore oo dhacay 9-kii April ayaa lagu dilay 10 ka mida Alshabaab degaanka Koban oo u dhow sanguuni ee duleedka Kismaayo, halka weerarka maanta ka dhacay Jilib lagu dilay xubin ka mida Alshabaab.

Ad

Africom ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay hoggaaminayaan weerarrada lagu qaadayo Alshabaab oo dhul cusub looga xoreynayo, isla markaana labada duqeyn ee ugu danbeeyay aanay cid shacab ah wax ku noqon.

Dhinaca kale Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ay maanta barqadii duleedka degaanka Kabsuma ku dishay Cabaas Maxamed Xaaji oo ahaa suldaanka Beesha Jareer ee gobollada Jubbooyinka oo Alshabaab taageersanaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON