Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay weeerar duqeyn cirka ah oo lagu dilay 40 dagaalame oo ka tirsanaa Alshabaab, kaasoo ka dhacay degaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo ay ka qeybteen dawlado saaxiib ah lagu bartilmaamaystay maleeshiyo Alshabaab oo is abaabul ku jirtay.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
WAR SAXAAFADEED
MOGADISHU, 01 December 2022:
Ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubnahaan Khawaarijta ah xili ay isku abaabulayeen dhulka keymaha ah ee ku yaala deegaankaan.
Howlgalkaan ayaa qayb ka ah qorshaha Khawaarijta looga ciribtirayo dalka oo dhan isla markaana lagu joojinayo dhaqdhaqaaq kasta oo ay isaga gudbi karaan meelaha ay haraadiga ku yihiin wali.
Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed oo qayb ka ah dagaalka Khawaarijta iyo saaxiibada caalamiga ah oo ku garab taagan dowladda dagaalkaan.
Dowladdu waxay mar kale ugu baaqaysaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen Khawaarijtu inay isa soo dhiibaan, iyadoo dowladdu ay gacan furan ku soo dhowaysay dhalinyaradii ka soo baxay Khawaarijta.
