Duqii hore ee magaalada Nairobi, caasimadda dalka Kenya Mr. Evans Kidero ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq ah uu ku kacay intii uu xilka hayey.
Evans Kidero ayaa loo heysaa bixinta lacag gaareysa 68 million oo Shilinka Kenya ah (670,000$), taasoo si sharci darro ah loo bixiyay, waxaana soo eedeeyay hay’adda madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqa dalka Kenya (Ethics and Anti-Corruption Commission).
Waxaa kaloo la xiray madixii hore ee shaqaalaha ee dowladda hoose ee magaalada Nairobi George Wainaina, iyadoo kiiskan uu ka mid yahay dacwooyinka lagu qaadayo madaxdii hore ee Kenya oo lagu helay musuqa iyo wax is daba marinta.
Guddomiyaha hay’adda dembi baarista Kenya Nuradain Haji ayaa sheegay inuu hayo caddeymo ku fifan oo lagu maxkamadeeyo Duqii hore ee Nairobi iyo 17 qof oo kale, kuwaasoo maxkamad lasoo taagi doono.
HOOS KA AKHRISO WARQADA EEDEYNTA

