Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka digtay duufaano cawaa ku wajahano Gobolka Bari ee maamulka Puntland.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 19-kii Bishaan ay ka dabeylaha bilaawdeen cirifka Waqooyi ee Badweynta Hindiya. Dabeylahan oo xoogan kuna socda Xawaaro u dhaxeeya 95-110 Kiilo Mitir ayaa ku wajahan jihada waqooyi Bari ee dalka gaar ahaan dhinaca dhulka Bari ee dhaca Xeebta u dhaxeysa labada Magaalo ee Boosaaso & Xaafuun ee Gobolka Bari, lana filayo inay ku dhufato inta u dhaxeyso 4:00 Galabnimo ilaa 8:00 Fiidnimo ee Caawa.
“Dowladda soomaaliya waxaa ay sigaar ah ugu digeysaaa dhamaan Bulshooyinka kala duwan sida, Kalluumeysatada iyo dadka ku dhaqan hareeraha Xeebaha inay ka digtoonaadaan khataraha kusoo wajahan dhulka Xeebaha ah, waxaana ay ugu baaqeeysaa maamulada degaannada laga cabsi qabo inay duufaanta saameyso iyo dhamaan Hay’adaha gargaarka inay u diyaar garoobaan xaaladaha soo cusboonadaay, taageerana u muujiyaan bulshada ku nool degaannadaas” ayaa lagu yiri Warka Wasaaradda.

