Wednesday, December 2, 2020
More

    Xasan Sheekh oo si Qayaxan uga hadlay kaalinta Fahad Yaasiin ku leeyahay burburinta Dowladnimada

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, haddana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji inuu burburin ku hayo dowladnimada Soomaaliya.

    Isagoo marti ku ahaa su’aalo klagu weydiiyey Barnaamijka Baadi-goobka Hoggaamiye Suuban ayuu sheegay in magaca Milkiilaha dowladda uu yahay mid dhashay dowladda Madaxweyne Farmaajo, loona yaqaan ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin oo hadda ah agaasimaha Hay’adda NISA.

    Ad

    “Milkiilaha la sheegayo waa la wada garanayaa, in aan idiin sheego ayaan rabaa, nin aan saxiibo nahay, dadkanna ay yaqaaniin oo Fahad Yaasiin la yiraahdo waaye. Fahad madaxtooyada ayuu agaasime ka noqday, waa la ogyahay wixii madaxtooyada ka dhacay markii uu agaasimaha ka ahaa, hey’adda nabadsugidda ayuu tagay, waa la ogyahay wixii nabadsugidda ka dhacay, wuxuu kala diray ciidamadii Nabadsugidda, waana uu dumiyey, duminta uu dumiyey iyada keligeed ma dumine ciidamada ku kor dumiyey ciidamadii Booliiska, maantana siyaasadda waxa duminaayo waa isaga, lagana yeeli maayo” ayuu yiri Xasan Sheekh oo qayaxan uga hadlay kaalinta uu dowladdan ku leeyahay Fahad Yaasiin.

    Xasan Sheekh wuxuu sheegay inuu Fahad halaag ka shaqeynayo. “Hoos waan ugu sheegnay, caawana kor ayaan ugu sheegayaa, siyaasadda uu ciidamo xafiiskiisa ah doorashada ayey maamulayaan uu leeyahay, dumin siyaasadeed waaye.. kamana yeeleyo”. ayuuna yiri.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    151,671FansLike
    2,191FollowersFollow
    5,704FollowersFollow
    151,671FansLike
    2,191FollowersFollow
    5,704FollowersFollow

    TOP NEWS

    Musharixiinta Madaxweynaha oo Madaxweyne Farmaajo uga digay inuu siyaasadda dibadda u adeegsado olole…

    Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war kasoo aaray go'aankii xukuumadda Soomaaliya hoos ugu dhigtay xiriirka xiriirka dalka Kenya, iyagoo sheegay inay walaac xoog...

    Guddiga muranka ka taagan yahay ee Doorashooyinka 2020/2021 Warkii ugu horeeyay soo saaray (Xubno ka maqan)

    Guddiga Doorashooyinka Dadban 2020/2021 ee Heer Federaal oo dhismihiisa muranka ka taagan yahay ayaa soo saaray warkii ugu horeeyay ee saxaafadeed oo warbaahinta dowladda...

    Musharixiinta Madaxweynaha oo bilaabaya tallaabooyin cadaadis lagu saarayo Madaxweyne Farmaajo

    Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa wejigii labaad ee shirkooda xalay ka furmay magaalada Muqdisho, iyagoo raad-raac ku sameynayeen go’aanadii ay soo saareen iyo...

    Diyaarad uu la socday Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo cilad qabsatay, kana laabatay Beledweyn

    Diyaarad ay la socdeen wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle C/xakiin Luqmaan ayaa cilad ku qabsatay hawada magaalada Beledweyne, taasoo keentay inay dib ugu...

    Abiy Ahmed oo bixiyey Sir ku saabsan sidii ay Tigreega afduubka ugu heysteen Itoobiya iyo halistii ay geliyeen isaga

    Ra'iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bixiyey xog badan iyo sir ku saabsan sida madaxdii Tigreega ay afduubka ugu heysteen maamulka dowladda Itoobiya, ayna...

    XOG: Qoorqoor go’aan culus ka qaatay Doorashada 2020/2021 iyo Musharixiinta Mucaaradka oo kulankii..

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa go'aan culus ka qaatay Doorashada 2020/2021, kadib arkii uu iska dhega tiray cadaadis ay saareen Siyaasiyiinta,...

    Wakiilada Beesha Caalamka oo Garowe u tegay xalinta Muranka ka taagan Doorashooyinka Federaalka

    Wafdi ka socda Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maanta tegay magaalada Garowe, iyagoo la sheegay inay xal u raadinayaa muranka hareeyay Doorashda Soomaaliya. Wafdiga tegay Garowe...

    WARARKA UGU SHIDAN