Monday, November 23, 2020
More

    C/kariin Qalbi-dhagax oo kashifay Cidda qaadeysa Mas’uuliyadda in Itoobiya loo dhiibo & wixii ka dhacay…

    C/kariin Muuse Qalbi-dhagax ayaa kashifay cidda qaadeysa mas’uuliyadda in Itoobiya loo gacan geliyay, wuxuuna caddeeyay sidii xukuumaddii hore ay u soo saartay go’aanka ONLF iyo isaga looga dhigay argagxisio.

    Qalbi Dhagax ayaa sheegay in mas’uuliyadda koowaad denbiyada dalka ka dhacay oo uu ka mid yahay in isaga loo dhiibo Itoobiya uu leeyahay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Madaxweynaha ummaddaan dooratay, maadaama ay mas’uuliyiinta kale ay wareegto ku yimaadeen.

    Ad

    “Dembi kasta oo dhacay mas’uuliyadda koowaad waxaa is ka leh Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ummaddaan dooratay, Mas’uuliyadda koowaad waxay fuuleysa oo lagala xisaabtami..” ayuu yiri C/kariin Qalbi Dhagax oo caddeeyay inay fiicanaan lahayd inuu Xasan Kheyre dadka u sheego waxa uu ku leeyahay iyo inta ay dhan tahay inuu umadda Soomaaliyeed,, wuxuna bogaadiyey tallaabadii Kheyre ugu tegay C/raxmaan C/shakuur.

    Markii Golaha Wasiiradu maalintii uu fariisanayey waxaa jirtay xog yar oo aanu helnay. Golaha Wasiirada markii ay muddo fadhiyeen ee qodobkan la isku mari waayay in Aniga iyo ONLF aan argagxisiao ka dhigno, waxaa istaagay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo warqad lasoo baxay, wuxuuna yeeriyey qorshaha wareejinta nooca uu yahay, wuxuuna yiri: doodi kama furna..” ayuu yiri C/kariin Qalbi Dhagax oo caddeeyay sida wax uga dhaceen Golaha Wsiirada Soomaaliya.

    Qalbi-dhagax wuxuu sheegay inaan Farmaajo mar danbe umad Soomaaliyeed xil ku aamini karin, wuxuuna is weydiiyey halka ay ka baxday waddaniyadii uu sheegan jiray..?

    HOOS KA DAAWO WAREYSIGA

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    151,122FansLike
    2,149FollowersFollow
    5,693FollowersFollow
    151,122FansLike
    2,149FollowersFollow
    5,692FollowersFollow

    TOP NEWS

    Mursal iyo Muudey oo tegay shirka Musharixiinta Madaxweynaha iyo Farriin culus oo ku socota Farmaajo

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Cabdiweli ibraahim Muudeey ayaa caawa lagu soo dhoweeyay shirka Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee...

    Senator Muuse Suudi: “Mahdi Guled reer waqooyi waa naga celi waayeen, haddii Amxaaro leedahayna waa naga celi weysay”

    Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa dhaliil u jeediyey Ra'iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. "Dad aan dhowri...

    Qoorqoor oo shaaciyey inuu waanwaan ka dhex wado Madaxweyne Farmaajo & Musharixiinta Mucaaradka

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xaqiijiyey inuu waanwaan ka dhex wado Madaxda dowladda Federaalka iyo Musharixiinta Mucaaradka ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Qoraal uu...

    14 Musharax oo Puntland & Jubbland ka dalbaday inay bedelaan xubnaha ugu jira Guddiyada Doorashada

    14 Musharax Madaxweynaha war-saxaafadeed ay soo saareen uga dalbaday maamullada Puntland iyo Jubbaland inay bedelaam xubnaha ay u soo madacaabeen Guddiyada Doorashada heer Federaal...

    Mahdi Guuleed oo khudbad hanuunin ah u jeediyey Guddiyada Doorashada ee Xukuumaddu magacawday

    Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ee xukuumaddu magacawday ee qabyada ah. Isagoo xubnaha Guddiyada Doorashada...

    Ciidamada Itoobiya oo Taangiyo ku go’doominaya Caasimadda Tigray iyo Waraaqo digniin ah oo hawada looga daadiyey

    Ciidamada Milatariga Ethiopia ayaa is diyaarinaya dagaalkii ugu danbeeyay oo ay ku doonayaan inay qabsadaan caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle, waxaana diyaradaha Helikobtarka ay...

    XOG: Qoorqoor oo halis ugu jira inuu kala doorto Madaxweyne Farmaajo iyo Musharixiinta culus ee Beeshiisa

    Madaxweynaha Galmudug Cabdi Axmed Kaariye (Qoorqoor) ayaa dhexda uga jira xaalad adag oo kasoo wajahday musharixiinta Madaxweynaha ee kasoo jeeda Galmudug, kadib muran ka...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!