Tuesday, June 24, 2025

Eedaha loo heysto C/raxmaan C/shakuur oo berri la dhageysanayo & Go’aankii Maxkamadda G/Banaadir oo la laalay

Kiiskii dacwadeed ee loo heystay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa mar kale dib u soo laabtay, kadib markii Maxkamadda rafcaanka G/banaadir ay u yeertay siyaasiga.

Dacwad ay xeer ilaalinta ku soo oogtay C/raxmmaan C/shakuur ayaa la dhageysan doonaa beri iyadoo loogu yeeray dhinacyada ay quseyso ee Xeer ilaalinta iyo Qareenada Siyaasiga, waxaana lagu wadaa in ay xeer ilaalinta soo bandhigo caddeymo lagu xiri karo siyaasigan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaan Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim ayaa meesha ka saaray go’aankii guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir ee ahaa inaan go’aankii uu ku sii daayay C/raxmaan C/shakuur rafcaan laga qaadan karin, isagoo si toos ah dib ugu furay dacwadda.

Waa markii ugu horeysay ee la dhageysan doono eedaha xeer ilaalinta u heysato eedeysane C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyadoo markaas kadib la sheegay in xeer ilaalinta ay jeedin doonto dalab ah in xabsiga lagu hayo siyaasiga si dacwadda oo dad badan lugaha la galeysa loo soo dhameystiro.

Xaalad culus ayaa soo wajahday siyaasiyiinta mucaaradka ee la safan C/raxmaan C/shakuur oo ay ku jiraan xildhibaanno waday mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweyne Farmaajo, waxayna arrintan ka dhigan tahay in sharci iyo maxkamadeyn waqti qaadan doonto ay ku sii jiri doonaan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON