Ehallada haweeney u xiran inay dil u geysatay gabar yar oo shaqaale u ahayd ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii uu falkaasi u dhacay, iyagoo beeniyey warar badan oo baraha bulshada lagu faafiyey.
Maryan Cali oo ay habaryar u tahay haweeneyda kiiskan loo heysto oo lagu magacaabo Caasho Muxumed Axmed ayaa warbaahinta u sheegtay in falkan uu si lama filaan ah u dhacay, kadib markii habaryarteed ay KAL ku dhufatay gabadha u shaqeyneysay, taasoo madaxa ka haleeshay sidaasina ajasheedii ku timid.
“Habaryarteey Dahab ayaa ka maqnaa.., waxay ku jirtay raadintiisa, gabadh u shaqeyneysay (Nuurto) waxay isu dayday inay cararto kadibna Kal ayey ka daba tuurtay oo xagga danbe ee madaxda uga dhacday, halkii ayeyna ku dhacday iyadoo afka dhiig ka keentay, sidaas ayaana teedii ku gashay..” ayey tiri Maryan Cali oo beenisay in gabadha la marjiyey ama dhibaato kale loo geystay.
Waxay intaas ku dartay markii ay arrintaasi dhacday ay si weyn u khalkhashay Habaryarteed, ayna isugu yeertay oo ay u sheegtay inay Booliska isu dhiibeyso, waxaana lala xiriiray ehelka gabadha geeriyootay oo ku nool degmada Jannaale.
Waxay sheegtay in meydka gabadha lagu wareejiyey ciidamada Booliska, lana xiray Caasho Muxumed Axmed, iyadoo qoyska gabadhana ay Muqdisho yimaadeen.
Kiiskan ayaa si weyn loogu faaqiday baraha bulshada iyadoo warar kala duwan laga faafiyey, laakiin eheledda haweeneyda fakan geysatay ayaa beeniyay warar badan oo ku saabsan kiiskan sida in la qalay gabadha ama la ceejiyey.