Tuesday, June 24, 2025

Ehelada Jen. Yuusuf Cagey oo diiday in Meydkiisa la aaso, Dilkiisana ku eedeeyay saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda

Eehelada Jeneraal Yuusuf Cali Qasaay (Yuusug Cagey) ayaa shardi ku xiray in la aaso meydkiisa, kadib markii sarkaal kale uu ku dilay magaalada Muqdisho.

Odayaasha beelaha Saransoor oo maanta ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen inaan la aasin Jeneraalka iyadoo aan lala duugeynin sarkaalkii dilkiisa ka danbeeyay, waxayna cadddeeyeen in dilkiisa uu ahaa mid la qorsheeyay oo saraakiil badan ku lug leeyihiin.

Odayaasha Beesha uu kasoo jeedo Jeneral Yuusuf Cagey ayaa sheegay inay doonayaan cadaalad si degdeg loo fuliyo, waxayna madaxda dowladda Federaalka ka codsadeen in lasoo gacan geliyo oo xukun dil ah lagu fuliyo sarkaalkii dilka geystay.

Odayaasha waxay su’aal geliyeen qaabka jeneraalka loogu dilay qolkii uu ku lahaa xeradii ciidamada oo loogu ogolaaday qof hub wata inuu u galo, waxayna muujiyeen shaki ay ka qabaan dilkiisa inay ku lug leeyihiin dad kale oo la qorsheeyay.

Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin geerida Jeneraalka, mana jiraan wax faahfaahin ah oo laga bixiyey dilkiisa iyo qaabka uu ku dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON