Eheladda dadkii ay ciidamada AMISOM ku laayeen shalay degaanka Golweyn e Gobolka SH/Hoose ayaa diiday in la aaso meydadka dadaasi oo la geeyay magaalada Muqdisho.
Dadka ay ciidamada AMISOM dileen ayaa gaaraya 7 qof, waxaana ka mida Oday beeraley ah oo caan ka ahaa degaanka, kaasoo lagu magacaabi jiray Xaaji Cumar Ganey, iyo 6 qof oo qaraabo iyo qaar u ahaa ka shaqaale beeriista.
Dilka dadkan ayaa u dhacay si fool xun, wuxuuna yimid markii Alshabaab ay degaankaasi ku qarxisay Kolonyo ciidamada AMISOM ah, kadibna waxaa la sheegay inay ciidanadaan tageen Beerta Xaaji Cumar Ganey, ayna kasoo waten 7-da qof, markii toogasho ku dileen kadibna ay meydadkooda Miino ku qarxiyeen.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa sheegay inaan laga hari doonin Ciidamada AMISOM ee dalkaasi arxan daradda ah geystay, kaasoo aan hore loo arin in meyd la qarxiyo, wuxuunas heegay marka laga reebo Meydka Xaajiga in 6-da qof ee kale ay hilbo noqdeen oo Juuniyo lagu shubay, ayna ku jiraan Qaboojiye.
“Anagu meyd ma haynno. marka laga reebo Xaaji Cumar, dadkii oo jarjaran oo jawaanno ku jiraan heynaa illaa caddaaladda ay helayaan Firintijeer bay ku jirayaan” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali.
Ugaaska wuxuu sheegay inay caddaalad doonayaan, ayna codkooda gaarsiinayaan meel kasta, isla markaana aysan AMISOM uga hari doonin falkaasi, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in dadka shacabka ah ee ay dishay ay AMISOM ku tilmaanto inay argagixiso yihiin.
