Thursday, June 26, 2025

Ergay ka mid ahaa ergooyinka Doorashada oo Dil toogasho ah lagu xukumay, magaalada Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maxkamad ay maanta Dil toogasho ah ku xukuntay mid ka mid ergooyinkii Doorashada.

Ninkan ergeyga ahaa ee dilka lagu xukumay ayaa  lagu magacaabaa Cumar Faarax Ismaaciil oo lagu soo eedeeyay inuu Kismaayo ku dilay Marxuum C/raxmaan Maxamuud Carab oo ahaa ergey kale oo muran doorasho uu dhex maray.

Cumar Faarax Cismaaciil ayaa da’diisu gaareysaa 67 sano, wuxuuna Maxkamadda ka hor qirtay inuu dilay marxuum C/raxmaan Maxamuud Carab oo iska  da’diisa ahayd 60-sano jir.

Laba nin ee ergada ahaa ayaa dagaal muran ah dhex maray, taasoo keentay inay Mindiyo isla dhacaan oo midkood dhinto, midka dhaawac soo gaaro.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON