Monday, June 23, 2025

Ergayga Q/Midoobay oo bogaadiyay dhamaystirka Baarlamaan Goboleedka Galmudug

Muqdisho: 28 Juun 2015 – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayahay Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaalia Nokolas Kay, ayaa soo dhoweeyay doorashada Afhayeenka Baarlamaan Goboleedka Galmudug, kaas oo 27 Juun ay doorteen Xubnaha Baarlamaanka  ee jooga magaalada Cadaado, Ergayga waxa uu hambalyeeyay Afhayeenka cusub ee la doortay, Cali Ga’al Casayr. (Sidookalena), Ergayga wuxuu muujiyay sida uu raali ooga yahay dhamaystirka  marxaladaan muhiimka ah ee  khusaysa  dhismaha Dowlad Goboleedka Goboladda Dhexe.

Nicholas key

“Waxaan ku boogaadinayaa Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka, Gudiga Farsamada, iyo Xubnaha Baarlamaanka Gobolkuba, sida guusha iyo hufnaanta leh ee ay u maareeyeen doorashada Afhayeenka iyo labadiisa kuxigeen. Baarlamaanka Gobolka ayey hadda hortaalaa howsha muhiimka leh ee ku saabsan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan ku guubaabinayaa (xubnaha baarlamaanka) in ay howshan muhiimka leh u maamulaan si hufnaan iyo kalsooni ku dheehantahay, (lana mid ah sidii hore), kuna soo gunaanadaan habka Dowlad Dhisidda guul,” ayuu yiri Ergayga Kay.

Ad

Ergayga waxa kale ee uu hambalyeeyay doorashada kuxigeenada Mudane Casayr, kuwaas oo kala ah Xareed Cali Xareed, iyo Maxamed Sheikh Axmed Macalin.

Doorashada Afhayeenka Baarlamaanka iyo Ku-xigeenadiisa  waxay calaamad u tahay  dhamaystirka Galaha baarlamaan Goboleedka Galmudug. UNSOM waxay si buuxda u sii wadi doontaa taageerideeda ku aadan  geedi socodka Dowlad Dhisidda, arrintan oo hada maraysa wajigii oogu dambeeyay, kuna dhamaanayay  Doorashada Madaxwaynaha, taas oo qorshaysan in ay dhacdo 4 Julay.
Dhamaad.

[ad name=”HTML-1″]

- Advertisement -

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON