Thursday, June 26, 2025

Ergeyga cusub ee Q/Midoobay James Swan: “Hambalyo.. maanta waa maalin aad ugu weyn Soomaalida..”

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 59aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.

“Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhamaan dadka Soomaaliyeed, ee kala jooga halkan iyo dunida dacaladeeda. In-kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana maanta waa maalin ay dadka Soomaaliyeed  ku faani karaan horumarka la sameynayo,” ayuu yiri Md. Swan. “Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad abuuraysa rajo laga qabo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo badan 

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay si dhow ula shaqaynayaan dadka iyo madaxda Soomaaliyeed si ay uga caawiyaan inay horumar ka gaaraan amniga, horumarinta dhaqaalaha, maamul wanaagga, u-wadadhamaansho iyo la tacaalidda baahida bani’aadanimo. 

Qaramada Midoobay waxay u dabaabldegeysaa sanad guuradan iyadoo u ballan-qaadaysa dadka Soomaaliyeed garab-istaag bilaha iyo sanadaha soo socda.” 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON