Monday, July 14, 2025

Ergeyga Madaxweyne Farmaajo oo Wasaaradda A/Dibadda kala wareegay Arrimaha IGAD, Badda Cas & Gacanka Cadan..

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho kuyeeshay kulan wada-tashi ku saabsan hannaanka Ilaalinta nabadgalyada iyo wada shaqeynta heer Gobol ee dowladaha kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Wakiilka IGAD ee Soomalitya Mohamed Ali Guyo, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo u qaabilsan Arrimaha Isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo dhowaan la magacaabay Balal Maxamed Cismaan, kaasoo Wasaaradda Arrimaha dibadda kala wareegay arrimaha Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Waxaa kaloo shirka ka qey galay Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo ah danjire sida wasiir u howlgala oo aad ugu dhow madaweyne Farmaajo, wuxuuna kasoo muuqday dhammaan safarrada uu Madaxweynaha ku tago dalka Eritrea, isagoo u wehliya safarradiisa dibadda.

Waxaa shirka wada guddoomiyey Ergayga madaxweyne Farmajo, Safiirka Somalia ee Midowga Yurub iyo wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, wuxuuna shirka daba socday qodobbadii ka soo baxay shirkii 46-aad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka IGAD ay ku yeesheen magaalada Jabuuti 27-kii bishii Febaraayo ee sanadkii 2019-kii.

Balal Maxamed Cismaan ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay noqoneyso dalkii 4aad ee dalalka IGAD ee lagu qabanayo wadatashigan, iyadoo khubarada Soomaaliyeed ay soo bandhigayaan qiimeyntooda ku saabsan mustaqbalka dhow iyo kan fog ee arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, fursadaha ku jira iyo caqabadaha ku xeeran.

Wadatashiyada dalalka IGAD ayaa lagu xoojinayaa Isbahaysiga Riyad ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Sucuudiga, Urdun, Masar, Jabuuti, Ereteria, Yamen iyo Suudaan, maadaama afar ka mid ah dalalka Isbahaysigan ay ka tirsan yihiin Ururka IGAD.

Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan Maxamed Cali Guyo ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalin weyn ku leedahay qorshe kasta oo heer Gobol ah oo ku saabsan amniga iyo xasilloonida marin badeedyada, maadaama ay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Gobolka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON